Ka Caawinta Bulshadeenna inay Caafimaad ahaadaan

 

Baro sida aan u taageeri karno caafimaadka muhaajiriinta iyo qaxootiga gobolka Washington.

 

 

 

Bulshooyinkeena kaladuwan ee Washington waxay isu keenaan dadyow ka kala yimid daafaha dunida, dhamaantoodna waxay leeyihiin ilo kala geddisan iyo heerar kala geddisan oo ay ku heli karaan daryeel caafimaad iyo adeeg bulsho oo tayo leh. Anaga oo ah bixiyeyaasha daryeelka caafimaadka, maamuleyaasha aan macaash doonka ahayn iyo xubnaha bulshada, waxaan awood u leenahay in aan ku caawino hubinta in soogalootiga iyo qaxootiga ay helaan daryeelka ugu fiican ee ugu macquulsan. Boggan waa ilaha bulshada ee aan ugu talagalnay in aan kula socono siyaasadaha saamaynaya soogalootiga iyo qaxootiga, iyo sidoo kale bixinta qalab u doodid iyo agab si ay u noqdaan shabakad taageero wax ku ool ah.